Dadka ku dhaqan Tuulooyin katirsan Gobolka Sanaag oo ay abaartu saamaysay

Duruufo aad u qallafsan ayaa lasoo gudboonaaday dadka Soomaaliyeed ee ay noloshoodu ku tiirsanayd xoolaha nool, markii ay dhamaadeen duunyadii ay dhaqanayeen sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka.

Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulada Balli busle ee gobolka Sanaag ayaa dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax u qaban karta ka codsaday inay u qodaan Ceel biyood, ka dib markii uu xumaaday ceelkii uu dadku ka cabbi jiray.

Wax garadka iyo Odayaasha ku dhaqan deegaanka Balli Busle ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay qaraaraadeen, aadna u yaraadeen biyaha ku jira balligii Tuulada, dadkuna uusan isticmaali karin, waxanay dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalku ka codsadeen inay arrintaasi wax ka qabtaan.

Dadka deegaanka ayaa codsaday in loo qodo Ceel biyo macaan, maaddaama ay dad iyo duunyaba la liitaan harraad ba’an, xoolihii kasoo haray abaartuna ay haatan dhammaanayaan biyo la’aan darteed.

Abaarta ka jirta geyiga Soomaaliyeed ayaa salfatay duunyo fara badan, waxaana meelo qaar ka jira dad u geeriyooday macaluul, waloow ay ugu liitaan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah, iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo hay’ada samafalkuba ay ku baaqeen in gurmad deg-deg ah loo fidiyo deegaannada ay abaartu saamaysay.