Dadka ka ganacsada daawooyinka herbal oo qaar la soo ifbaxay khayaano dadban.
Nagamid ma ahan dadka caadeystay khishka iyo khiyaanada laga ganacsado.
Waxaa haatan isa soo taraya dad u tafaxeetay inay faa’iido deg deg ah ka sameeyaan ganacsi nooc ku cusub dalka oo bulshada lagu soo jiito
Iyadoo baraha bulshada loo adeegsado ogeysiis iyo iidhe mala awaal ah.
Kareemooyin kala duwan oo ay leeyihiin waxaa loogu talagalay xoojinta raganimada, galmada dheer iyo ka hortagga biyo baxa deg degga ah iwm.
Waana mid dad badan ay arkeen inay tahay wax kama jiraan marka laga reebo malabka iyo confindo, waxaa dhacday oo sii socota weli ii dheh oraneysa haddii aad wax ka garan weydo muddo ilaa saddex ilaa toddobo cisho lacagtaada ayaa laguu soo celinayaa.
Waa wax kama jiraan oo dad badan oo run mooday waxtarka kareemooyinka largo, Bxx iyo qaar kale oo la mid ah.
Markii lala xiriiro inta laga iibsado ayaa aysan qaban taleefoonnada waxaa dadka xaafadaha ugu geeya mootooyinka loo yaqaanno falconta.
Marka ay dadka weydiyaan ninka u keena kareemka ayaa wuxuu ku warceliyaa aniga war kama hayo shaqadeyda waa geyn geyn oo keliya
Waxaa arrintani ku hungoobay oo aan ka soo xigtay sheekadaan mala awaalka ah 55 ruux oo bahasha u arka keliya saliid lagu dhaashado wax dareen ahna aysan ka garan.
Ujeeddada ganacsiga noocaan oo kale ah waa kudhufo oo ka dhaqaaq oo ah qiyaano dadban ruux kasta mar laga iibiyo lagama yaabo in mar labaad laga iibiyo ileen arrinta ayuu ogaadaye, waxaa ay ku kala iibiyaan lacag gaareysa 18-dollar, 15-dollar iyo 12-dollar.
Arrintan waxaan ka soo xigtay oo ka cabanaya arrintaasi sidaa daraadeedna aan uga digayo kuwa haatan lagu qaldi rabo inay ka feejignaadaan waa yaabe heerka ganacsiga uu galaly sannadahan dambe ee aad moodo wax un ribax ka samee.
Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in aan lagu deg degin daawooyinka aan takhtar ka talo bixin oo dad istaabtaabtay baraha bulshada soo geliyeen.
Wax kastoo uusan ka tala bixin takhtar taqasus u leh arrintaas in laga fogaado.
Ma haboona in dad la qaldo oo daacad iska ah oo u baahan raacis wadiiqo wacan balse la arki doonee halka arrimahan oo kale ama ay ka soo ifbaxaan waxyaabaha ay isticmaalaan reer galbeedka eek u saaqida sameynta filimada galmada.
WQ: Ibraahim Fanax