Dadka Gaza oo wajahaya xaaladihii ugu darnaa ee dhanka nolosha

Duqeymo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil ayaa lala beegsaday xarun ama goob gabbaad ah oo ku taal magaalada Gaza iyo xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal Khan Younis.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya,kadib kolkii ay gantaal la heleen guri ay deganaayeen dad rayid ah.

“Dadka Gaza ku nool waxaa soo foodsaaray xaalado bini’aadanimo oo aad u  hooseysa, saddex meelood meel dadka waxay soo guranayaan qashinka si ay gabbaad uga dhigtaan kulaylka xagaaga”,sidaa waxaa tiri tiri kooxda gargaarka ee Mercy Corps.

Xilligaan waxaa aad u yar ama gabaabsi ku dhow gargaarka bini’aadanimo ee ay Gaza ka wadaan hey’adaha samofalka ,halkaasi oo ay dadku safaf dhaadheer ku qaataan sugidda raashinka iyo daawada lagama maarmaanka ah.

Dhinaca kale Mareykanka waxa uu si degdeg ah u raadinayaa heshiis diblumaasiyadeed si loo soo afjaro iskahorimaadka rabshadaha wata ee ka socda xadka Israel iyo Lubnaan, madaxa Pentagon-ka Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri.

Ugu yaraan 37,658 qof ayaa la dilay 86,237 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.