Dad ku geeriyooday Dhul-gariir mar kale ka dhacay Turkiga

Labo Dhul-gariir ayaa waxay xalay ka dheceen Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, oo dhaca xuduudka ay wadagaan dalka Suuriya.

Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ee Turkiga, ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad uu ka dhacay degmadda Defne 5:04 daqiiqo  xilliga (GMT), kaasi oo Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.