Dad ku geeriyooday biyo ay cabbeen oo ay sumeeyeen argagixisada Al-shabaab

Maxaas- Laba qof ayaa ku geeriyootay, markii ay Kooxda argagixisada Al-shabaab si dhuumaaleysi ah ku sumeeyeen Ceel biyood ku yaalla degaan Ceel-jiqoow oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Toddoba qof oo iyaguna ku sumoobay biyaha Ceelka ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Maxaas, iyadoo xaaladdooduna halkaas lagu baxnaaninayo, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane.

Ceelkan oo ay bartamihii bishan qarxiyeen kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa waxaa dhowaan dib u dayactir ku sameeyay dadka deegaanka oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa sidoo kale sheegay in maanta uu dagaal ka socdo tuulada Ceelqooxle oo u dhexeeya degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Guddoomiye Muumin ayaa ka deyriyay xaaladda dadka halkaasi ku dhaqan, wuxuuna dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.