Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday Hindiya.

Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhimatay 13-kalana waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysto oo ku taal Kashmir qeybta ay maamusho Hindia saacadihii hore ee ssaakay, sida ay sheegeen saraakiisha maamusha Kashmiir qeybta Hindiya.

“Ugu yaraan 12-qof ayaa naftooda ku waayay 13-kalena waa ay ku dhaawacmeen,” sida mid ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Khasaaruhu wuu badnaan karaa maadaama dariiqa loo maro macbadka buurta sare ay ka buuxaan dad isku dayaya inay sameeyaan booqashooyinka sanadka cusub” ayuu yidri Sargaalkan oo magaciisa qariyay.

Isbuurashada ayaa ka dhacday Macbadka Mata Vaishno Devi, oo ah mid ka mid ah macbadyada Hinduuga ee aadka looga qadariyo waqooyiga dalkaasi  Hindiya.

Sarkaal kale oo ka tirsan Hey’adda ka hortagga  masiibooyinka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in toro ka mid ah dadkii Macbadka ku jiray ay geeriyodeen, isagoo sheegay in isbuurashad ay dhacday aroortii hore ee saakay.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa Twitter-kiisa ku yiri “Aad ayaan uga xumahay khasaaraha nafeed ee ka dhacay mid kamid ah goobaha cibaadada dalka”  isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiray mas’uuliyiinta deegaanka.