Dad Ka Shaqaynayay Ka Ganacsiga Khamriga Oo Xukun Adag Lagu Riday!

Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo ninka ka ah Gudoomiyaha gobolkaas ayaa ka qaybgalay xukun ay maxkamadda darajada koowaad ee Mudug ay ku riday dad ka ganacsanayay maandooriyaha khamriga.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka  Mudug ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay Afar ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Haween, islamarkaan Saddex ka mid ah lagu xukumo Lix sano oo xabsi ah oo uu ka reeban yahay cafis Madaxweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa digniin U diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha  xashiiska, iyo khamriga nuucyadiisa kala duwan oo fara ba,an ku haya deegaanada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo ka hadlayay fagaare lagu burburinayay 20 kartoon oo khamri ah, ayaa faray dhammaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa u qabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana uu sheegay in dagaalkooda iyo howlgalada gobalka loo weeciyay dhanka la-dagaalanka maandooriyaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeeyntii sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin in falal amni daro oo  ku saleysan khamriga ay ka dhacaan degaanada gobolka Mudug.