Dad badan oo ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay dalka Ukraine

Meydadka in ka badan 900 oo qof oo rayid ah ayaa laga helay gobolka Kyiv, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska ka hawl gallo magaalada Kyiv.

Dadkaan ayaa ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi ee ciidanka Ruushka ay kusoo qaadeen, waxaana qaarkood lagu duqeeyay guryihii ay ku jireen.

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inuu adeegsaday bambooyinka riddada dheer ee Mariupol, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka socda agagaarka warshad birta ah iyo dekedda.

Duqaymaha Ruushka ayaa Todoba qof ku dilay bariga magaalada Kharkiv, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Askar lagu qiyaasay 2,500 ilaa 3,000,  oo kamid ah Askarta Ukraine lagu dilay dagaalka, halka Askar gareeysa 10,000 ay  dhaawacmeen intii uu dagaalka socday.