Dabbaal-degyadii Maalmaha Xoriyadda oo weli si weyn uga socda Dalka

Dabbaal-degyadii maalmaha Xoriyadda ayaa weli si weyn uga socda guud ahaan Dalka gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta ayaa booqday taalada Dhagax-tuur halkaas oo weli muwaadiniinta Soomaaliyeed kasii wadaan Dabaal dega maalmaha Xoriyadda Wasiiirka ayaa yiri.

“Halkani waa taalada Dhagaxtuur oo lagu xasuusto maalintii la baxday HANOOLAATO ee 1948kii isla goobtan uu iska hor imaadku ku dhexmaray isticmaarkii Talyaaniga iyo halgamayaashii SYL.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed sida gobanimada leh ee marwalba ugu halgamayaan qaranimadooda iyo midnimadooda.