Dabaaldegga maalmaha xoriyadda oo lagu qabtay Hindiya

Safaaradda JFS ee Hindiya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda New Delhi ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad lagu xusaayey Usbuuca Xorriyadda iyo Midowga Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo ka qabsoontay Huteelka Saket 27, habeenkii 1-da Luulyo ayaa ahayd horreysay ee noocan oo kale ah oo dalka Hindiya, gaar ahaan magaaladda New Delhi lagu qabto.

Waxaana ka soo qayb galey, diblomaasiyiin, ganacsato, madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi, xubno ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mida Saaxiibadda Soomaaliya ee Hindia .

Waxaa si doo kale xafladda ka soo qaybgaley Dhakhaatiir ka socday Usbutaaladda waawayn ee u adeega Soomaalidda caafimaadka u timaadda New Delhi.

Danjire Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay, taariikhda halganka, midowga iyo dawlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuux sadey in 65-sanno ee Soomaaliya ahayd dawlad madaxbanaan , ay tahay mudo dheer oo u baahan in wax laga barto.

Wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney midoobaan , iskuna tashadaan mee kasta oo ay joogaan.

Xubno ka midda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo ban dhigay heeso wadani iyo ciyaaraha dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Danjiraha ayaa shahaadooyin mahadnaq gudoonsiiyey qaar ka mida Diblomaasiyiinta, Madaxda Jaaliyadda iyo Saaxiibadda Soomaaliya doorkii ay ku lahaayeen qaban-qaabadda Xafladda 65-naad ee ka soo wareegtay Maalmihii Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliya.