Dab Xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha

Waxaa saaka Dab xooggan ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan goobo ganacsi oo ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye, waxaana hadda gubanaya goobo ganacsi, iyadoo ay socdaan gurmadyo lagu badbaadinayo hantida umadda oo kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay wadaan.