Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay suuqa wayn ee Jowhar

Dab xoggan oo geystay khasaaro hantiyeed ayaa saakay hore ka kacay suuq wayn ee magaala Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Maamulka magaalada Jowhar oo kaashanaya dadka magaalada ayaa barqadii maant ah ku guuleystay daminta Dabka, isagoo geystay khasaare lixaad leh sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacstada magaalada Jowhar.

Qaar kamid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in burbur xooggan uu soo gaaray gooba ganacsi oo badan.

“Waxa dhacay waa musiibo,waxana iga gubtay saddex makiinad oo ah kuwa sisinta lagu shiido iyo boqol loor.oo sisin ah,masiiba rabaani ah ayaa nagu dhacaday” sidaas waxaa tiri hawaney kamid ganacsatada ku hanti beeshay halkaas.