Daahir Shire”Waxaan horumar weyn ka sameynay sahminta shidaalka, dhawaanna waxaad maqli doontaan war farxad leh”

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS Daahir Shire oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa qiray in ay jiraan siyaasad cad oo Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay barnaamijka shidaal qodista dalka iyo sida loo qeybsan karo dheef-wadaagga,iyadoo la raacayo shuruuc wada ogol ah oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka  ayaa xusay in lagu guuleystay sahminta dhul xagga badda ah oo masaafo ahaan gaaraya illaa 4460,isla markaana la soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee howlgalka kooxaha sahminta shidaalka Soomaaliya.

Daahir Shire oo sii wata hadaladiisa ayaa caddeeyay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta iyo xilliga la gudagalayo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta  waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto shidaal qodista,isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo khuseeya wax soo saarka shidaalka iyo macdan qodista,sidaa daraadeed waxa uu ku baaqay in dadka warxuma tashiilka ah ay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee wax dumin  kara.