Daahir Maxamuud Geelle oo noqday murrashaxii labaad ee is diiwaangeliya.

Waxaa si habsami leh uga socota xarunta Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS, diiwaangelinta murrashaxiinta ubaratamaysa xilka madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo murrashaxii labaad ee isdiiwaangeliya isla markaana qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya uu noqday murrashax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.