Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Maaliyadda  Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, madax ka socotay Bangiga adduunka iyo kuwo socday hay’adaha caalamiga ah.

Xogtan ayaa ah mid laga sameeyey dalka oo dhan, waxayna qayb ka tahay himmilooyinka dowladda federaalka ee yaraynta saboolnimada, sidoo kale waxay qayb ka tahay barnaamijka deyn cafinta dalka.