Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay muhiimadda iyo ujeeddooyinka guud ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Lr.36, 2024), kaas oo maanta si rasmi ah loo daah furay.
Wasiirka ayaa sheegay in xeerkani uu yahay mid casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah ee shaqada, isla markaana lagu dhisayo nidaam shaqo oo ku dhisan cadaalad, hufnaan, isla xisaabtan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha.
Wasiir Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa tilmaamay in xeerku uu diiradda saarayo qoddobada ay ugu horeeyaan Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha si caddaalad ah, saacadaha shaqada, fasaxyada, iyo badbaadada goobaha shaqada,Sidoo kale xeerka ayaa dhowraya Waajibaadka loo shaqeeyayaasha, oo ay ka mid yihiin in ay raacaan shuruucda shaqada, bixinta xuquuqda shaqaalaha, iyo hubinta jawi shaqo oo ammaan ah.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa xusay in Xeerka Shaqada (Lr.36, 2024) uu yahay tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doonta hab dhaqanka shaqo ee dalka, isla markaana kor u qaadi doona kalsoonida maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

