DAADAD XOOG LEH OO KU HABSADAY QAYBO KA MID AH WADDANKA

Roobabkii xilliga dayrta ayaa si weyn uga da,ay dalka soomaaliya kaasoo buux dhaafiyey horooyinka, balliyada iyo togagga ay biyhu maraan waxaa uuna geystay qasaare baahsan oo naf iyo maalba leh iyadoo aysan halkaasi ka marneyn wixii laga digayay ee lagu sheegayay El Niino, dhibaatooyinka dhacayna waxaa ugu darnaa gobollada ay maraan webiyada Shabeelle iyo Ganaane.

kuwaas oo weli dadku geedaha saaran yihiin, sidoo kalena burbur ka geystay hadey noqon lahaayeen buundooyin, waddooyin iyo guryo isagoona tirtiray beerihii yabaalka ahaa

waxyeellada dhacay maahan wax la soo koobi karo waxaa ciriiri galay isu socodkii bulshada ku dhaqan meelaha ay dhibaatadu haleeshay waxaana yaraaday ama baab’ay quutkii la cuni lahaa iyo calafkii xoolaha.

Waxaa ka dhashay barakac aad u weyn ka dib markii ay biyuhu la tageen dad iyo duunyo waxay dadku dhaqanayeen, meelaha maanta ugu daran ee afku hayo waxaa ka mid ah magaalada Baar Dheere, Beled weyne, Buulo burte, Shabeellaha hoose iyo Sheebeelaha Dhexe meelo ka mid ah waxaa barakacay malaayiin qoysas ah oo soomaaliyeed oo ku hanti beelay nimcadaan da’day

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nimo waliba nusqaanteeda leh, middaanna ilaaheygii keenay isaga uun baa naga caawin kara  dhibaatada soo gaartay ummaddiisa, waxaase loo baahan yahay in la ogaado qeybaha ugu daran ee looga baahan yahay  gurmadka iyo bini’aadannimada.

Shacabka soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay waxaan inay yihiin qaddar Alle oo ay tahay inay ku samraan oo dulqaadaan ka dibna ilaahey ma dayici doono gargaarkiisan wuu u soo dedejin doonaa, marka aad badisaan wax wada qabsiga, tawakalka iyo isku xirnaanta guul deg deg ah iyo faraj ayaa iman doona

Haddaba, waa inaan soo xasuusanaa soomaaliyeey maahmaahdii ahayd daad waliba intuusan ku soo gaarin baa leyska moosaa, tani waxay ku tuseysaa in loo baahan yahay in mar walba la feejignaado oo mar walba lagu xisaabtamo in la joogo xilligii gu’ga, xilligii deyrta, xilliyada wabigu buux dhaafo iwm waa in la gaashaantaa inta aysan da’in roobabka iyo dabeylaha.

 

Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay in leyska hagaajiy webiyada iyo kannaalada inta aysan wax dhicin oo la muujiyaa dadaal badan iyo wacyigeli isdaba joog ah waayo dadka badanaa ma baraarugsana oo waxay ku mashquulsan yihiin raadinta quutul yoomka, runtiina guud ahaa dowladda ayaa looga fadhiyaa in ay arrintaan ka yeelato istraatiijiyad cad oo looga hortegi karo dhibaatooyinkaan soo noqnoqday ee sano kastaba dhacaya.

Ugu dambeyntiina iska hagaajiya kannaallada, dhammaan biyo mareennada, webiyagana ha lagu sameeyo carro bixin iyadoo la adeegsanayo xeelad iyo xoog middii la awoodo iyadoo la sameynayo carro tuur iyo qodaalba.

WQ: C/salaam Axmed Gabeyre