Daad ku soo rogmaday Xaafado ka tirsan Magaalada Qardho

Garowe- Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Qardho ayaa sheegaya in Daad xooggan ku rogmaday gudaha Magaalada.

Biyaha ayaa ka yimid tuulooyin fog fog, waxaana xusid mudan in roob uusan ka da’in magaalada Qardho saacadihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in daadka gudaha u galay goobo ganacsi oo badan, isla markaasna uu waxyeelo u geystay Adeegii Korontada.

Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.