Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor oo tababar ku soo qaatay magaalada Isparta ee dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa halkaas waxa ku soo dhaweeyey saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Turkiga ee Soomaaliya jooga.