Cumar Cabdul-Qaadir oo ah garsoore caalami ah oo Soomaaliyeed ayaa sanadkaan loo doortay garsooraha ugu Fiican ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika .
Guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkaan ee 2025 uu noqday Garsoore Cumar Cabdulqadir Cartan,kadib markii xaflad lagu maamuusaayeyey magacaabistaasi lagu qabtay Magaalada Rabaat ee Dalka Moroko.
Guushan weyn ee uu gaaray garsoorahaan waxay Soomaaliya u horseedeysaa ama u soo hooyneysaa magac iyo maqaam aan ku yeelanno gudaha xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Afrika.
Garsoore Cumar ayaa waxaa uu la tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

