Culumada Hiiraan oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidamada gobolkaasi

Sheekh Maxamed Xasan Caadle iyo Sheekh Ibraahim Xasan Cismaan oo la hadlay qeybaha ciidamada ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa ugu horeyn ku ammaanay ciidamadaasi dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda iyo xasiloonida dalka.

“Waxa aad qoraxda u joogtaan waa difaaca dadka iyo dalka,sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in la ciribtiro kooxdaasi oo caadeysatay ku xadgudubka diinta iyo baneysiga dhiigga dadka”ayeey yiraahdeen mashaa’iikhdaasi.

Kulankaasi dhexmaray cuulmada iyo ciidamada waxa uu ahaa mid wacyigalin ah oo la xiriiray dhaqanka wanaagsan ee laga doonayo ciidamada , waajibaadka ka saran badbaadinta shacabka iyo dardargalinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah khawaarijta.