Culimada Soomaaliyeed oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Banaan bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta Israa’iil kula kacday Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Banaan bax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed oo Culimada Soomaaliyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda Taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxaan ayaa waxa ka qayb galaya qeybaha kala duwan ee Bulshadda,Maamulka Gobolka Banaadir,Bulshada Rayidka iyo Madax kala duwan iyadoo Halkaas Shacabka iyo Madaxduba ku soo Bandhigi doonaan siday uga soo Horjeedaan Xadgudubka Israa’iil, sidoo kalena diyaar ugu yihiin Difaaca Madaxbanaanida Dalka,Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Culimada ugu Waaweyn ee Dalka oo Dadweynaha la hadlay ayaa si weyn Carabka ugu adkeeyey siday Waajibka u tahay Difaaca Midnimada Dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo Goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed saaka waxay iskugu soo baxeen in ay Dadka ka wacyi geliyaan Dhagarta Israa’iil ay la Damacsan tahay Dalka oo ah kala goynta Shacabka soomaaliyeed oo ah Dad walaalo  .”

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo Goobta kula hadlay Dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Maanta oo kale, Madax, Culimo iyo Shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin oo ay ka hortaggaan Burburka ay nala Damacsan tahay Israa’iil.”

Sheekh Cabdullaahi Axmed, ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed marna Aqbali doonin in Israa’iil ku soo Xadgudubto Midnimada Dalkeenna.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri “Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo Xadgudbo.”

Ugu dambayn Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufi Yare oo la hadlay Dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed Maanta waxay sameynayaan Bannaan bax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno Mowqifka Culimada ee ah ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.”