Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland

Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ku shiray Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka Israaiil ee ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya.

Dood dheere iyo falaqeyn ka dib, culimada ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan tallaabada halista ah ee gumeystaha Israaiil uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland, taas oo si toos ah u taabaneysa midnimada Qaranka iyo madax bannaaninada Jamhuuriyadda Federaalka.

                          Bayaanka ay soo saareen culimada:-

  1. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed waxay si cad oo mugdi ku jirin u caddeynayaan diidmadooda buuxda oo ay ka qabaan faragelinta iyo duulaanka qaawan ee gumeystaha Israaiil uu ku soo qaaday jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo caqiidadooda.
  2. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed, waxay caddeynayaan in shareecada Islaamka waajibisay ilaalinta midnimada umadda muslimiinta ah ayna waajib Diini muqadas tahay in laga hortago kala qeybsanaan iyo faragelin shisheeye, gaar ahaan midda ka imaaneysa cadowga sida joogtada u gumaadayo, u barakacinayo ugana xadgudbayo walaalaheen reer Falastiin.
  3. Aqoonsi beenaadkan wuxuu albaabka u furayaa hirgelinta waxaa loogu yeero mashruuca Abraham ama ‘’ Diinta Ibraahiimyada’. kaas oo ah sameynta iyo dhoodhiibidda Diin beenaad cusub oo lid ku ah caqiidadeena Islaamka ee toosan.
  4. Ujeeddada dhabta ah ee sahyuuniyada ee tallaabada dhallanteedka ah ugu diiratay waa in la wiiqo kaalintii taariikhiga ahayd ee ummadda Soomaaliyeed ku lahayd difaaca kacbada sharafta leh iyo labada Xaram iyo marinka Istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab iyo ka hortagga cadowga kasta oo weerar ku ah.
  5. Midowga Culimada Soomaaliyeed, waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka feejignaadaan adeegsiga, faafinta ama taageeridda hal-ku -dhigyada, astaamaha iyo calamada ay leeyihiin cadowga Sahyuuniyadda, maddaana ay arrintaas si cad uga hor imaaneyso axkaamka iyo qiyamka Diinta Islaamka.
  6. Midowga Culimada Soomaaliyeed, Waxay ugu baaqayaan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, muxaafad iyo mucaarad in ay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad Qaran una midowbaan difaaca midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka jamhuutiyadda federaalka Soomaaliyeed, iyagoo lagu garab istaagayo Dowladda Soomaaliyeed dadaallada dibloomaasiyeed iyo tallaabooyinka sharciga ah ee ay ku difaaceyso qaranimada ummadda Soomaaliyeed.