CUDURRADA KU CUSUB DUNIDA EE AAN WELI HEYBTOODA LA GARAN

Cudurro aan wali la arag ayey ka cabanayaan Ummadda  Soomaaliyeed! Marka aad la sheekaysato dad badan oo Caasimadda ku nool waxaa habeen  kasta ku dhaca dad badan Cudurro badan oo aan horey loo aqoon, marka aad hoos ula sheekeysato dadka ayaa waxay kuu sheegayaan in Hilibka Kalluunka ay ka qaadeen, xasaasiyad ay la seexan waayeen, kuwo kalena waxay kuu sheegayaan inay xasaasiyad ay ka qaadeen Digirta ka soo go’do waddanka, waxaa kaloo ay kuu sheegayaan in dadka qaarkood oo caafimaad ku seexday ay soo kacaan iyagoo Gacan iyo Lug dhacsan tahay, kuwaaba waxay ku leeyihiin Samada ayaa wax igaga soo dhaceen, iyagoo jirkooda lagu arkayo lagana dareemayo barar wax u muuqda

Haddaba, Dadka Soomaaliyeed waxay wada ogyihiin inay tahay  cunista Kalluunka iyo Digirta caafimaad iyo nafaqo aan la heli Karin waxaana aad loogu amaani jiray korriinshaha jirka iyo lafaha, maxaa sababay maanta in la yiraahdo cudurro ayaan ka qaadnay cunista wax yaabo markii hore daawo ahaa?.

Markii arintaasi aan baarnay Wargeyskuna meelo badan ka raadshay xogta sidii sababtas u heli lahaa kala sheekeystay khubarrada xagga Badda iyo Beerahaba waxay cadeeyeen in si joogto ah loo sumeeyo Beeraha iyo Badda intaba, waxaana habeen kasta la maqlaa guuxa Diyaaradaha iyo gariirka Hubka noocyadiisa kala duwan nooca Sunta afuufa iyo noocyo kale oo wax dila intaba in lagu rido Badda iyo Beeraha si toos ahna u buufiyaan diyaaradaha Helikobtarka ah ee kasoo kaca Maraakiibta badda dhexdeeda ka jilaabata, kuwaasoo marar badan la arko Mallaaygii oo isagoo meyd ah soo caariyey, taasoo daliil u ah sumeynta lagu sameeyo Baddeenna, halkaasoo ay ka dhashaan cudurro aan heybtooda lagaran waayay waxaana horey u jiray inay Baddii kala wareegeen meelihii ay ka jilaaban jireen Kalluunka aagaggaasoo ay fadhiyaan Maraakiibta shisheeye ee wax sumeeya, waxayna go’aansadeen inay cidina waxba ka faleynin mar haddii cudurro laga qaadayo taasoo is tuseen shisheeyuhu inay kaligood ka faa’iieystaan Baddeena mar haddii xoog iyo xeelad u isticmaaleen iyo sun kiimiko ah inay kaligood iska yeeshaan nimcooyinka iyo kheyraadka ku duugan baddeenna.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre