Toddobaadkan oo ku beegneyd 10kii bishan Oktoober waxaa caalamka oo dhan laga xusay maalinta dhimirka iyadoo Soomaaliyana ay ka mid tahay dalalka muddooyinkan dambe cudurkan aadka loogu arkay .
Ma aha wax aad la yaabeyso in aad aragto bukaan cudurka dhimirka qaba oo silsilad gacmaha iyo lugaha uga xiran xiran yihiin oo ku katiinadeysan geed jirrid weyn oo uu habaas , oon iyo gaajo isugu darsameen balse dadka haya moodayaan in ay isaga u dadaalayaan oo waxtarayaan.
Caalamka waxaa ka jira hal kudheg ah “ha xirin bukaanka dhimirka, ha cadaabin balse sii la talin una muuji dhaqan wanaagsan “ laakiin aanaga waxaad mooddaa in aan taas meel iska dhignay.
Dr C/raxmaan Cali Cawaale “Xabeeb” ayaan weydiiyey sababaha cudurka dhimirka ugu soo badanayo dalka oo dariiqyada ay ugu soo kordhayaan dad uu ku badan yahay isla hadalka iyo isdhex marka maskaxeed.
“Kulli dadka waxaa haya tiih ama trauma “ ayuuna yiri isagoo intaa raaviyey in dadka Soomaalida ah ay hayaan dhibaatooyin nololeed shaqo la’aan, amni darro iyo qofka oo aan haysan mustaqbal cad oo u muuqad taas ayaan keeneysa in ay bataan dadka waalidu asiibtay “ ayuuna yiri.
Dalku ma laha xarumo waa weyn oo wax looga qabto cudurka dhimirka marka laga reebo kuwo ku taagan is xilqaan shaqsi ah sida xarumaha uu ka shaqeeyo Dr Xabeeb oo muddo dadka cudurkan qaba iyo dadka soomaaliyeedba u ahaa isha keliya ee ay la kaashadaan daweynta cudurka dhimirka.
Dawladda siiba wasaaradda caafimaadka oo xilligii kacaanka laheyd xaruntii Laasareeti ee daweynta dhimirka maanta ma laha wax xarun dhimir ah waxayna u muuqataa in arrintaa faraha laga qaaday oo xitaa la dhihi karto dalka dhaqaatiir dhimir maba joogaan marka laga reebo tiro aad u kooban oo is xilsaartay.
Soomaaliya maanta in ka badan boqlkiiba toddobaatan maskax ahaan ma fayooba oo waxaa lagu tilmaami karaa waxa dadka qaar ugu yeeraan waalida dhaqanta taas oo jirtana lama hayo dawo iyo dadkii daweyn lahaa ee ka dabiibi lahaa cudurkaa dhimirka.
WQ: Mohamed Hassan