Cisbitaalka Banaadir oo helay gargaar ka yimid Hay’adda SODMA

Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar bini’aadanimo oo wax loogu qabanaayo bukaanada isugu jira hooyada iyo dhallaanka  gaarsiisay Cisbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan oo ka koobneyd nuucyada cuntooyinka waxaa loogu talagalay in lagu quudiyo bukaanada ku jira Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir

Agaasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf ayaa ka warbixisay gaariga raashinka ah ee ay ugu deeqeen maamulka cisbitaalkaasi iyo ahmiyadda uu samofalkaan u leeyahay dhibanayaasha la ildaran nafaqa darida iyo cudurada kale eek u dhaca carruurta sida Jadeeco iyo Xiiq-dheerta.

Agaasime ku xigeenka cisbitaalka Aamino Sh Xasan ayaa ka mahadceliyay kaalmadaasi ay bixiyeen Hey’adda SODMA oo markii 3-aad cisbitaalkaasi gaarsiisay daawo,qalab iyo cunto muddo ka yae sanad.