Kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa maraya marxaladii u danbeysay ee nafbaxa ah taasina waxaa sabab u ah Ciidmada xoogga dalka qeybohooda kala duwan iyo dadka deegaaanka oo duulaan xooggan ku qaaday khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab deegaanadii ay xoogga iyo gumaadka ku haysteen 10kii sano ee lasoo dhaafay.
Dabar go’a khawaarijta Alshabaab ayaa soo dadajisay tacadiyadii iyo dhibaatooyinka arxanka daran ee bulshada Soomaaliyeed ee ku haayeen sanado badan taasina waxa ay keentay in shacabkii ay kacdoon oo ay heeryada gumeeysiga iskaga dul qaadeen waxayna shacabka iyo dowladda oo wada jira siiwada baacsiga kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ee gabalkooda dhacay.
Dadka deekaanka oo kaashanaayo Ciidmada xoogga dalka ayaa kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab Ka qabsaday deegaano badan oo ay heesteen tobonkii sano ee lasoo dhaafay , deegaanadaas laga qabsaday waxa ay Ka kala tirsan yihiin maamulada Hirshabeele iyo Galmudug oo laga ciribtiray kooxda naf la caariga ah ee khawaarijta Alshabaab.
Dhanka kale dowladda federaalka ayaa bilaabay wajigii labaad EE dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab deegaanada maamulka Koonfur galbeed oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.
Diyaar garow ku aaddan wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Bakool, waxaana degmooyinka Ceel-berde iyo Xuddur gaaray taliyaha qeybta 60-aad iyo mas’uuliyiin kale .
Wafdi iskugu jira saraakiil ciidan iyo wasiirro ka tirsan Koofur Galbeed ayaa gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana ay la kulmeen ma’suuliyiinta maamulka iyo bulshada, iyaga oo uga sii gudbay dhanka degmada Ceel-barde.
Wajiga labaad ee ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa ah qorshe u dagsan dowladda federaalka uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Dr Hassan Sheikh Mahamuuud oo Ka go’an ciribtirka iyo baab’inta kooxda naflacaariga ah ee khawaarijta ah ee Alshabaab.
Shacabka ayaa iyana dhankooda dadaal xooggan ogu jirta iska celinta iyo ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab oo dadka Soomaaliyeed ilhaano iyo dhibaatooyin badan oo tacadiyo ku jiraan u geesteen bulshada Soomaaliyeed taasi ayaa soo dadajisay ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.
Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay sii laba jibaarida ladaalanka ciribtirka kooxaha nabadiidka ah waxaana garab iyo gaashaan xooggan idin la garab taagan dowladda federaalka uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Dr Hassan Sheikh Mahamuuud, Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare oo Ka go’an soo afmeerida ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.
WARGEYSKA DALKA