CIRIB XUMADA DULMIGA

Marka hore waa maxay Dulmi?

Dulmigu waxa ay culimada ku qeexeen shay kasto oo aan booskiisii xaqa ahaa aan la dhigin, ama shay kasto oo aan booskiisii sharciga ahaa aan la waafajinin.

Shay kasto oo laga saaro ama la waafajiyo halkii uu xaqqa u lahaa waxa uu noqonayaa caddalad, shaykasto oo laga kormariyo ama laga hoos mariyo booskiisa xaqqa ah waxa uu noqonayaa Dulmi.

Aayaadka Qur’aanka kariimka ee ka hadlaayo cadaaladda dhamaan waxay reebayaan Dulmiya, waxaad halkaas ka ogaanaysaa in ay iska soo horjeedaan Dulmiga iyo Cadaaladda.

Culimada waxay noo sheegeen in dulmiga loo qaybiyo sidax qab oo kala ah 1- Ruux naftiisa dulmiya oo naftiisa ku hogaamiyo shirki o Alle ku caasiyo, ‘’Allah SWT waxa uu leeyahay Gaalnimada waa Dulmi wayn’’ Dulmiga koobaad ee la reebay waa in lagu xad gidbo xuquuqda Allah SWT.

Qatbta 2- waa Ruuxa uu naftiisa kulmiyo macaasi, Ruuxaan waxa uu dulmiyey naftiisa oo waxa uu ka tagay qayb ka mid ah waajibaadkii uu Rabbi faray waxa uuna ku dhacay qayb ka mid ah waxa uu Rabbi ka xarimay.

Qaybta 3-aad ee dulmigu, waa qofku oo dadka kale Dulmiyo oo xuquuqdooda ku xad gudbo Nabigeenna Maxamed NNK waxa uu yiri’’ Qofka walaalkiis dulmi ka galay cafis ha waydiisto, Allah SWT adoomankiisa waa uu u dambi dhaafaa balse haddii aad adoon kale aad dulmisay waxaa waajib kugu ah in aad cafis waydiisato adoonkaas.

‘’Ilaahay SWT xadiisul qudsi ayaa waxuu ku leeyahay dadow dulmiga aan ka mamnuucay nafsadayda adinkana waan idinka mamnuucay ee dhaxdiina ha is dulminina’’

Cirib xumada Dulmiga waxaa tusaale inoogu filan dhacdooyinka dunida ka dhacay ee u baahan in lagu cibro qaato, halkaan waxaan idinku soo gudbinayaa sheeko u baahan in lagu cibro qaato.

Nin oday ah oo indhool ah ayaa waxaa ka xeeyey wiilkiisa xilli ay reerka guuraayen, wiilkaas oo ay wiilashii kale ee odayga ay kula dardaarmeen in uu soo kaxeeyo odayga iyagane ay sii rari doonaan reerka.

wilkii markii uu kaxeeyey odaygii ee uu geeyey meel duur ah ayaa waxa uu dulmiyey odaygii waxaa uuna sameeyey in uu odayga fariisiyey geed cidlo kuna yiri aabo halkaan sii fadhi reerkii ayaa raadinayaaye, ka dibna halkii a yuu kaga dhaqaaqay.

wiilkii markuu u tagay walaalihii soo ka xay ku yiri odaga waxaa uu walaalihiis u sheegay in uu odaygii maqan yahay oo uu san arkin, odaygiina waxa uu ku geeriyooday halkii oo ugu dhaqaaqay wilkii.

Mudo ka dib maxaa dhacay wiilkii ayaa guursaday waxuuna dhalay ciyaal, kadib waa yeel ayuu noqday waxuuna beelay indhaha kadib xilli ay reerka guurayeen ayaa waxaa ka xeeyey mid ka mid ah wiilashiisa.

markii la maraayo halkii uu ugu dhaqaaqay aabihiis ayaa wiilkii waxa uu ku yiri aabow reerkii ayaa noo sahminayaaye geedkaan sii fariiso, oday oo xasuusan in uu horay u dulmiyey aabihiis ayaa waxa uu ku yiri wiilkii geedkaan magaciis, wiilkii waxa uu u sheegay magaca geedka, odaygii ayaa yiri is ka bax waxaan ogahay in Aadan soo laabanaynine.

Walaalayaal aan ka digtonaana oo aan iska ilaalino dulmiga wax aan khasaaro ahayn kama faa’idaynee.

WQ: CUMAR MAXAMED CUMAR