Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa sacadihii la soo dhaafaywaxaa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameyeen degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay ka warheleen Xubno katirsan Argagixisada oo isku aruursanayay duleedka degaanka sabiid, isla markaana howlgalka looga dilay 20 dagaalame.
Guddoomiyaha degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegay in Xubnaha khawaarijta ee la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid duleedka degaanka Sabiid, isla markaana howlgalka sidii loo qorsheeyay uu u dhacay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shegay in argagixisada ay dhibaatooyin babadan u geysteen dadka kunool degaanka Sabiid, hayeeshee Ciidamada dowladda ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan fal kasta oo ay geysan rabaan kooxda khawaarijta