Maalinta ciidu waa maalin aad u qiimo badan waxaa uu yimid Xabiibkeenu scw magaalada madiina iyadoo la ciido laba maalmood markaasu yiri: waa maxay maalmahani ? waxay ku jawaabeen reer madiina waa maalmo aanu ciidi jirnay markii aanu jaahiliinta ahayn. Wuxuu yiri Rasuulkeenu scw: Illaahay wuxuu idinku badelay maalmo ka khayr badan waana malinta ciidul fidriga iyo maalinta ciidul-adxaha,
Labadan ciidoodba waxay dhacaan ama yimaadaan marka la soo gebogebeeyo laba Rukni oo waawayn Rukniga Soonka iyo Rukniga Xajjka- Illaahayna wuxuu yiri: ku dheh nabi Allow waa fadliga Illaahay iyo naxariistiisa ee haku farxaan waana waxa ugu fiican waxay ururinayaan.
Muslimiinta ayaa soo baxaya maalintan iyagoo faraxsan oo wajigoodu ifayo oo isku tahniyadeenaya oo leh Taqaballaahu mina waminkum saalixal acmaal.
Muslimiintaa isku soo baxaya iyagoo isa saamaxaya oo sadaqada isa siinaya oo hadyadaha isku geenaya oo agoonta madaxa u salaaxaya oo qofba qofka kale dhunkanayo maasha Allaah.
Abaal koodu waa maxay dadka soomay soonka ka dib?
Marka dadka soomay u soo baxaan ciida oo u dareeraan halkay ku ciidayaan waxay helayaan abaal marinta Alle waxay tegayaan garoonkii lagu qaybinayey jaa’isadaha iyagoo ku soo baasay imitxaankii Ramadaanka wuxuu yiri Xabiibkeenu scw: maalinta ciidul fidriga malaa’iigta ayaa is taagta dariiq kasta afkiisa ama meelaha wadooyinku ku kulmaan malaa’iigta ayaa dhawaaqda oo tiraahda “ muslimiintaay u soo kalaha Rabbi deeqsi ah xagiisa wuxuu idinku galadaystay khayr dabeed si wayn ayuu idiin abaal marinayaa weel wayn ayuu idiinku ridayaa wax wanaagsan iyo ajar wayn dadoow waxaa la idin amray inaad qiyaamu layl la timaadaan waanad la timaadeen, waxaa la idin amray inaad maalintii soontaan waadna soonteen, Rabigiin ayaad adeecdeen guddooma jaa’isadiihiina iyo abaal marintiina maalintan waxaa looga yaqaanaa xaga samada maalintii abaal marinta”
Aadaabta ciida.
Waxaa la suneeyey in qofku maalintaa uu xirto dharka kiisa ugu fiican ee uu haysto, oo qofku is cadareeyo weliba waa ragii e ,wuxuu yiri Xasan Rc Rasuulku wuxuu na amray maalinta ciida inaanu xirano dhar wixii ugu fiican ee aan helayno, oon isku cadarino wixii ugu wanaagsan een helayno,
Rasuulkeenu scw wuxuu xiran jiray isku joog Xabro ah waa maro si fiican loo falkiyey oo uu si gaara ugu diyaarsan jiray ciida oo qurux badnayd.
Wuxuu samayn jiray Xabiibkeenu scw in uu dariiqii markii horre salaada uu sii maray aanu marka danbe soo mari jirin ee uu khilaafi jiray.
Nin ka mida ah dadkii saalixiinta ahaa ayaa lagu yiri: waa goorma ciidiinu? Wuxuu ku jawaabay : waa maalinta Alle aanaan caasiyin. Ciidu maaha uun in dhar qurux badan la xirto laakiin ciida waa in la muujiyaa waynida Alle oo Alle la adeecaa.
Ciidu maaha maalin Alle la caasiyo oo caruurteena khaasatan hableheena yar yar intaan madaxa u qaawino aan suuqa ku sii dayno, waa maalin mudan inaan Illaahay uga shukrino wanaaga uu inoo khatimay ee Ramadaan.
Had iyo goor umadeenu waxay caadaysataa in maalmahan ciida laga dhigto maalin wax kasta la banaysto subxaan Allaah.
Walaalayaal waxaa inagu soo fool leh maalintaas qaaliga ah ee Illaahay swt adoomihiisa ku abaal marin doono qof waliba wixii uu soo shaqaystay Ramadaan,
Maalintan waa inay is wada saamaxaan dadku maalintan waa inaan kaga farxinaa masaakiinta iyo jiiraankeena wixii aan karno ee ku dhaano.
Maalintan waa inaan umadeena u dardaaranaa khayr, maalintan waa inaan ummadda islaamka guud ahaan gaar ahaana walaaleheena muslimiinta adduunka daclidiisa ku dulman u ducaynaa sida walaalaha Falastiin iyo ummada soomaaliyeed ee dhibaataysan,
Maalintan waa maalin leh qadarin iyo qiimo gaar ah waa maalinta uu farxayo qofkii soo soomay bisha ramadaan uuna murugoonayo qofkii dayacay bisha Ramadaan,
Maalintan waxay shabahdaa qiyaamaha wejiyadii soomay way nuurayaan wejiyaddii soonka diiday way madaw yihiin, qofkii Illaahay bilaa nuur ka dhigo yaa nuur siin karaya ? cidnaba ma siin karto. Qofkii Illaahay nuur siiyey yaa ka qaaddaya nuurka ? cidina kama qaadi karto.
Maalintani waa maalin uu farxayo muuminku wuxuu yiri xabiibkeenii scw: qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro waa afurada ama maalinta ciidana waa la yiraahaa maalinta afurada, wuxuu kaloo farxaa maalinta uu la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soonkiisii iyo daacadiisii uu ku soo dedaalay markuu aduunka joogay,
Labada maalmoodba midda aynu Alle la kulmayno iyo tan aynu ciidaynaba Alle ha inaga farxiyo.
Dhamaanteen ciid wanaagsan aan ku ciidno Inshaa Allaah
WD: Ibraahim Warsame