Ciidmada Xoogga dalka oo howlgal Qorsheeysan ku Dilay Xubana katirsan AL-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5aad Guutada16aad Ee Kumaandoska Danab Ee CXDS Ayaa Howlgal Qorsheeysan Kafuliyayay Deegaanka Ceelcade Oo qiyaastii 30km u Jira Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalku Intii uu Socday Waxaa Lagu Dilay 11 Dhagar Qabe Halka Nolosha Lagu Qabtay 2 ka mida maleeshiyada. Waxa Kaloo Laga soo Furtay 6 Qoray oo ah Ak47 iyo Hal Qori BKM ah Sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliye Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.