Muddo badan ayaa leysla dhaxmarayay hadallo war-suuqeed ah iyo kuwo kutiri kuteen ah, waxaase ka fiican xalaal maalin baa la khashaaye in warka leysu caddeeyo, soomaalidu waa xan daaq iyo xaab daaq, laakiin xanta waa laga fiican yahay, waxayn a ku siisaa wajiyo aan sax ahayn iyo kuwa ay abuureen siyaasiyiin dan gaar ah leh.
Waxaa taasi ay kuu caddeynaya marka aad runta ka daba takto, waxaa la yiraahdaa beentu hal lug ayey leedahay, halkaa lugta kale runta ka daba tagto ama qabato, tallaab kale ma qaadi karto.
Haddaba, waxaa in badan dhagahayaga ku soo dhacayay ilaa abaabulkii doorashada iyo dhismihii dowladnimada madaxdeenna waxay wataan baasaboorro waddamo shisheeye iyo dhalashooyin kala duwan, waxaana meelaha la fadhiyo laga sheegaa qof shisheeye ahi xil ma qaban karaa iyadoo albaab laga galo u noqotay kuwa mucaaradka ah iyo kuwo dano gaar ah leh.
Kuwaasi waxay bulshada soomaaliyeed dhegahooda ku celceliyaan dad ayaa xukunka loo soo dirsaday iyadoo laga yaabo dadka wax magaratada ahi inay hadalladaas moodaan wax jira ama rumeystaan.
Dalkayaga markii burburku ku dhacay waxaa shacabka soomaaliyeed u kala qaxay waddamo kala duwan, waxaana inta badan ilaahey uga sahlay soo dhaweyn la soo dhaweeyay, dadkaa qaxaya iyagoo dhowraya xaquuqda bini’aadanku isku leeyahay, waxayna ka heleen dhalashooyin iyo waxbarasho iyo sharciyaal kala duwan siday ugu sii noolaadaan inta uu waddankooda ka xasilayo, maadaama ay naga burbureen ilhii nolosha iyo waxbarashada in badan abaal baan uga heynaa siday ula dhaqmeen shacabkii ku xaqay dalalkooda.
Lama iloobi karo ardayda wax ku baratay dalka dibaddiisa kuna soo noqday dalka.
Haddaba, kuwa u qaxay dalalka shisheeye ee wax ku soo bartay waxay anfici doonaan waddankooda hooyo, mana laha wax lagu ceebeeyo laguna faquuqo, keliya waxaa la fiirinayaa inuu yahay muwaadin soomaaliyeed, qaban kara jagada loo xushay ama darajada la siiyo, waxayna xaq u leeyihiin inay u shaqeeyaan dalkooda hooyo wuxuuna anfacayaa ciiddiisa iyo calankiisa hooyo.
Taas markaan intaas uga baxno, waxaa jira shaqsiyaad aan dalka meelena uga bixin una shaqeeya waddama shisheeya gudbiyana warbixinno kala duwan nolol iyo mushaarna ku qaata dhibaateynta ummadda soomaaliyeed, Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa waxaas day kii kale ayaa wuxuu yiri adigu waxaan ka sukeeya day, intaad iska eegi lahayd arday soomaaliyeed dalka dibaddiisa wax ku soo bartay, sow kama fiicna inaad iska eegto cadowga gudaha oo kuu diiddan nabadda iyo nolosha, weliba la soo taagan hagar daamo iyo lugooyo, qax iyo kala carar, qarax iyo baab’in, nolol la collowga noocaasi oo kala ah maxaa kuu diiday inaad aragto.
Haddaba, waxaa wax lagu farxo ah wax yaqaanka waddanka gudahiisa oo si weyn usoo dhaweeyeen caddeysiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda caddeystay Soomaalinimadiisa iyo shaqsiyaddiisa, inuu yahay Soomaali qura waddani ah, wax lagu faano waxaa ugu weyn jinsiyaddaada iyo qowmiyaddaada.
Taasi waxay isoo xasuusineysaa halkii uu dhigay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, markii uu bixinayay Faraskiisa Xiin Faniin, halku dhiggiisii wuxuu ahaa:
Nin xishoonayaan ahay
Haddaan leys xasdiya heyne
Intii aniga ley xaman lahaa
Xil iga soo meerye
Mar hadduu suldaan igu Xillihi
Igaga xeyn daabtay
Xariggiisa qabo
aadni kale kuma xurmeeyeene
wuxuuna uga jeeday Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Erayadaasi xanta iyo dhux dhuxda daraawiishta dhaxdeeda ka jirta oo weliba seedigiis lagu yiri xididnimada ka dhab maaha hadduusan xiin faniin ku darin yardaha, sayidka kama xanuunsan xoolihii badnaa oo dhan waxaa keenay erayada ka soo maaxday hadallada kutir kutaynta ah ee loo kala gudbiyay isaga iyo seeddigiis, halkaas ayeyna ku soo afjarantay beentii iyo dhuxdhuxdii markii uu bixiyay faraskiisa qaaliga ahaa ee xiin fanniin.
Arrin kasta oo abuuri karta guux siyaasadeed iyo iska hor imaad waxay leedahay meel lagu afjaro oo laga soo gabagabeeyo si aysan markale kugu rafan, waxaana la mariyaa gowrac dhego dhaaf ah si aysan dib dambe kugu rafan, calool adeeyggu waa wehel geesiga muslimka ahna ilaaheybaa garabkiisa ah.
Sidaa darteed, ha ka baqan runta, runta waa waddo, waddana iyadaa dal lagu maraa.
Gebagebada maqaalkaan waxaan ku soo qaadanayaa suugaanta oraneysaa Qabyaaladi yey ku hodin:
Soomaalidu waa hayaan
Horseed Qaran bay rabtaa
Dirirku meeshuu ku hooriyo
Geedaha harkaley rabtaa
Hantida ay leedahayna
Hororku wuu boobayaa
Ciidamo u heegan ah Bey rabtaa
Halyeey adag bay rabtaa
Hub iyo xoog bay rabtaa
Weliba aan looga harin
Hadalka guntiisa weeyee
Isma hurtooy hays haleyn
Ka hara heybta iyo qabiilka
Qabyaalad yay ku hodin
Ujeeddada heesta iyo macnaheeda maahan inaan ugula jeedno madaxda dalka iyo mas’uuliyiinta shaqeyneyso ee waxaa lagu tusaaleynayaa sixun wax u sheegga iyo daneysteyaasha ummadda jahawareeriya, si ay u fahmaan shacabka Soomaaliyeed meesha loo socdo.
WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre