Ciidanka Xoogga oo weerar ku qaaday xubno ka tirsan Argagixisadda oo isku urursanayey deegaanka Sinadhaqo

Ciidanka Xoogga dalka ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku Urursanayey deeganka Sinadhaqo oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka ayaa weeraray ceelka Sinadhaqo oo ay kooxdu isku aruursaneeysay, waxaana hadda socda howl gal ballaaran oo ay iska kaashanayaan Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in uu jiro qasaaro xooggan oo kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka maanta lagu qaaday.

Hawlgallada lagu cidhib tirayo kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab ayaa ka socda Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyey jab xooggan loogu geystay kooxaha nabad-diidka.