Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay maleeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole,halkaasi oo  lagu jabiyey koox khawaarij ah ee isku dayey in ay weeraraan fariisimo ciidan oo ku yiillay  halkaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa la xaqoojiyay in ay Khawaarijta gaarsiiyeen khasaare culus, iyadoo maydad badan la sheegayo in ay daadsan yihiin halkii lagu dagaalamay .

Ciidamada Xoogga ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose ayaa dagaalkaasi ku jabiyay kooxaha nabad-diidka ah ,iyagoo bilaabay howlgal lagu sii baacsanayo khawaarijta.

Wixii ku soo kordha daaaladasi waxaad kala socon doontaan Warbaahinta Waranka.