Ciidanka Xoogga oo qarxiyay miinooyin lagu aasay wadada u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan

Ciidamada Dowladda Federaalka ee soomaaliya ayaa fashiliay miinooyin maleeshiyaadka Shabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacanka ah ee ku safra wadada isku xirta Beledweyne iyo Matabaan.

Ciidanka ayaa burburiyay walxaha qarxa ee kooxdaasi ay ku aaseen wadada u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan oo inta badan muhiim u ah isu socodka gobolada dhexe.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in guud ahaa gobolka Hiiraan uu ka bilaaban doono howlgallo ciidan,gaar ahaan,deegaanada fara ku tiriska ah ee ay ku sugan yihiin kooxda Shabaab.

Gobolka Hiiraan ee bartamaha soomaaliya ayaa inta badan laga xoreeyay argagaxisada kadib markii dadka deegaanka ay si buuxda ula shaqeeyeen ciidamada xoogga,Taasina waxa ay keentay in Ciidamada ay isku ballaariyaan deegaamada Gobolka Hiiraan.