Ciidanka xoogga oo la wareegay degaanka Yasooman

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga xoreynta gobolka Hiiraan ayaa goordhow si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Yasooman ee bariga gobolka Hiiraan.

Degaanka Yasooman ayaa ka mid ah goobihii dhawaan ciidanku uu ka soo baxay, taas oo saraakiishuna ay ku sheegeen xeelad dagaal.

Ciidamada ayaa hadda baaris iyo miino saar ka wada gudaha tuulada, waxaana iskaga cararay malleeyshiyaadka Khawaarijta.