Shabeellaha Hoose(Wargeyska Dalka):-Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Komandooska Gorgor ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanadan, oo ay horay u joogeen khawaarijta, ayaa saaka waxa si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad.
Ciidamada ayaa sidoo kale ka soo saaray miinooyin culus goobihii ay saakay kala wareegeen khawaarijta, iyagoo xaqiijiyey amniga tuulooyinkii la qabtay.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maalmihii u dambeeyey waxa ka socday guluf dagaal oo lagu cirib tirayo kooxda Khawaarijta.