Ciidanka Xoogga oo Khawaarijta Kala Wareegay degaanka Calli Heele ee Gobolka Galgaduud

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab & Gorgor oo ay Wehliyaan Ciidanka Difaaca Degaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab kala wareegay degaanka Calli Heele oo hoos-taga degmadda Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Deegaanka ayaa deegaankaasi kawada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, laguna baadigoobayo firxadka Argagixisadii ka carartay Halkaasi.