Ciidanka xoogga oo khawaarijta Al-Shabaab ku jabiyay weerar ay isku dayeen in ku qaadaan deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Ciidanaka Xoogga dalka iyo Dadka degaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab ku jabiyay dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii Argagixisada nafla caariga ah ee dalka laga sifaynayo ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku lahaayeen Qaayib, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro xoog badan oo la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana goor dhow la soo gudbin doono.

Qaayib ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu danbeeyay ee laga faramaroojiyay Khawaarijta Alshabaab