Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa la wareegay tuulada Booco ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne.

Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka dowladda Soomaaliyeed ayaa howlgal ka wada tuulada Booco iyo degaannada ku xeeran.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inaysan la kulmin wax dagaal ah, ayna sii wadi doonaan howlgalka.

Waa markii ugu horreeysay oo Al-Shabaab laga saaro deegaanka Booco tan iyo markii ay la wareegeen muddo ka badan 13-sanno.

Argagixisada Al-shabaab ayaa deegaanka Booco waxay u  aheyd fariisin muhiim maxaa uga furneyd Maxkamad ay dadka ku ciqaabaan, iyagoo sidoo kale ka mid ahayd goobaha ay kasoo abaabulaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.