Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku dhaqan deegaanka Maraay-Suuleey oo kamid ah Gobolka Gaalgaduud.
Howlahaan biyo dhaaminta ah ee loo sameeyay qoysas badan oo ay saameeyeen abaaraha waxaa horkacaayey Taliyaha ururka Todoaad,,Gutada 18-aad,qeybta koowaad ee ciidanka kumaandoosta Gorgor G/Lle Maxamed Macalin Abuukar Shaarib
Sarakiisha ciidan ee ku sugan deegaanada dhaca bariga Masagawaay ayaa sheegay in howlahaan biyo dhaaminta ah ay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro samotabixinta dadka ay saameeyeen abaaraha.
Dadka deegaanka Maraay-Suuleey ayaa soo dhoweeyay adeegaasi biyo dhaaminta ah ,waxayna mahad ballaaran u direen ciidamada geesiyada ah ee ka howlgala guud ahaan Gobolka Gaalgaduud.


