Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada Sh/ Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaaya kuwa deegaanka ayaa wada  howllgalo culus oo kooxaha khawaarijta looga saarayo Deegaano dhaca Jiinka wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellada Dhexe.

Howlgalladaan oo ka dhacay deegaanada kulaala wabiga ayaa khawaarijta looga sifeynay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas qaboobe, Jameeco, Shanloow, dhagaxoow, Yaaqle,Damileey, & Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Qarabka u sheegay in howllgalka oo ay qeyb kayihiin Ciidamadda degaanka lagu dilay Maleeshiyaad badan, iyadoo sidoo kale  gacanta lagu dhigay dhagarqabayaal kale.

Ciidanka ayaa sii baacsanaaya firxadka maleeshiyaadka khawaarijta oo ka cararay farriisimo iyo godad ay ku lahaayeen deegaanada ku teetsan webiga shabeelle.