Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyay cadowga.
Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaannada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile, kuwaas oo dhammaantood hoos taga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo u geystay khasaare culus.
Howlgalka dhulka ka socday waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka, kuwaas oo lagu burburiyay goobihii ay Khawaarijtu ka samaysteen meelo ay isku qarinin jireen. Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay inay weli sii baacsanayaan firxadkii Khawaarijta, ayna socdaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga aagga degmada Jamaame.

