Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ayaa howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta waxa ay ka sameyeen degaanno hoostaga Degmada xudur eeĀ Gobolka Bakool.
Howlgalka ayaa laga fuliyay tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde,waxaana howlgalka hoggaaminaya
Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.