Ciidanka Xoogga oo howlgal ku soo qabtay gaadiid iyo walxo kamid ah kuwa qarxa

Ciidamada Gaarka ah ee Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Deegaanka ayaa fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo si guul leh uga dhacay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa si buuxda loogu fashiliyey qorshe argagixiso oo ay maleegayeen ilaa 10 dhagar-qabe, kuwaas oo doonaayay inay miinooyin u gudbiyaan dhanka deexda ,si ay u carqaladeeyaan howlgallada Ciidamada Qaranka.

Dagaal kooban oo lagu beegsaday kooxahaasi khawaarijta ah, kadib ciidanku waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigeen 14 miino, kuwaas oo ah tiradii ugu badnayd ee hal mar laga soo qabto goob.

Howlgalkaan oo daba socday xog sirdoon oo lagu ogaaday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen koxaahasi Khawaarijta ah,waxaa mudadii uu socday sidoo kale lagu soo qabtay laba mooto oo ay argagixisadu u adeegsanayeen gaadiid ahaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda, soo celinta xasiloonida, badbaadinta shacabka ,ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kahortagga khataraha xagga miinooyinka iyo walxahaha qarxa.