Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjooge iyo Maleshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere ku dilay  Horjooge iyo Maleeyshiyaad la Socday.

Taliyaha ururka saddexaad Dhamme  Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka  howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyada khawaarijta iyo Horjoogihii hoggaaminayay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay khawaarijtu ka furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday deegaannada ay ku dhuumaleysanayaan khawaarijta,oo hadda maray burbur iyo in ay kala carraraan