Ciidanka Xoogga oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa manta howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo gabbaad u ah kooxda Al-habaab.

Howlgalkaan ayaa laga fuliyay deeganada kala ah Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle,waxaana ujeedku ahaa in la bur-buriyo meelaha ay ku dhuuntaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab  iyo goobaha ay ku diyaariyaan qaraxyada ay ku dhibaateeyaan Ummadda .

Howgalka waxaa hoggaaminayay G/le Suulnuuge Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad ciidanka Xoogga ee Gor-gor  iyo Cabdulaaha Mustaf Cali Madaale Qaran.

Muhiimada howlgalka ayaa ahaa in gabi ahaanba Cadowga laga ciribtiro degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose.