Ciidanka Xoogga oo hawlgalo Khawaarijta lagu cirib tirayo ka sameeyey deegaano hoos taga Xudur

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo Aragagaxisada ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Yoonis aadan Xasan ayey ciidanku ku bur buriyeen fariisimooyin ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanada Lukugooraw,Edaayin, Dabgal ,Ceelahaley Ilaa kulan-jareer oo inta badan maleeshiyaadka khawaarijtu ku dhuumaalaystaan , iyadoo ay jiraan qasaaro xoogg leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen in ay iska caabin sameeyaan sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay G/le Yoonis aadan Xasan oo hoggaaminyay howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo khawaarijta.