Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaariijta

Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka xooga dalka oo ka dhacay deegaanka Dhursheenshiblee ee gobolka Bakool, ayaa saaka lagu khaarijiyey, laba horjooge lagu magacaabo Axmed Mooragaabay iyo Cali Garweyne oo khawaariijta u qaabilsanaa baada shacabka iyo go’doominta magaalada Xuddur, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka.

Deegaanka howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 35km u jira Xuddur, waxaana ciidanka ka furteen horjoogiyaasha la laayay hubkii ay siteen, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka intii howlgalku socday.

Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Khawaarijta guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa  Daraawiishta Koofur Galbeed.