Shabeellaha hoose:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada Macalinka Kunteenarka iyo Balad Aamiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan oo si hufan loo qorsheeyay, ayaa lagu burburiyey baro ay maleeshiyaadka Khawaarijtu ku dhibaateynayeen shacabka deegaanka, iyadoo ciidanku ay muujiyeen geesinimo iyo feejignaan sare.
Taliyaha Ururka 252-aad, Laba Xidigle Dhala Dheere, ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba meesha laga saaro goobihii ay cadowgu gabaad ka dhiganayeen.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay burburiyaan xarumo muhiim ah oo cadowgu ku dhuumaaleysanayay, taasoo qayb ka ah howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ka howlgalaysa gobolka Shabeellaha Hoose.